Wasaaradda Diinta oo war ka soo saartay maalmaha Ciidda

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ku saabsan Maalmaha Ciidda u dirtay u dirtay Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku wargelisay inay ka taxadaraan Cudurka Coronavirus.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa u soo jeediyay shacabka in maalmaha Ciidda ay xirtaan Facemask, ayna gacmaha gishtaan gloves, si dadka marka ay isku marxabeynayaan ugu badbaadaan faafitaanka cudurka.

Sheekh Nuur ayaa sheegay in maalmaha farxada Ciida ay noqon karto in cudurka si fudud ku faafo, maadaama dadka ay is marxabeynayana, si taas looga hortagana la qaato tallooyinka caafimaad.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa qorshayaal lagu xakameynayo in cudurka faafo, maalmaha dadka u dabaal dagayaan, maadaama aanay dowladdu illaa iyo hada awood u laheyn in bandow maalin soo rogto, si loo baajiyo dabaaldegyada ciida.

Cudurka Coronavirus ayaa si aad ah ugu sii faafaya Soomaaliya, waxaana saacadihii u dambeeyay dalka laga diiwaan geliyay 47-kii, waxayna dadkaas ku kala noolyihiin Puntland, Banaadir, Somaliland iyo Koonfur Galbeed.

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ayaa gaaray 1,502, waxaana ka bogsatay 178 qof, halka ay u dhinteen 59 qof.