Taliye Cali Gaab oo faafaahin ka bixiyey qarax sababay khasaare nafeed oo lala beegsaday ilaaladiisa

0

Taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliya, ahna Taliyaha xarunta barbaarinta caruurta agoonta ah ee booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax saakay lala beegsaday gaari ay wateen askar ka tirsan ilaaladiisa.

Taliye Cali Gaab ayaa xaqiijiyey in qaraxaas looga dilay hal askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa, halka seddax kale ay ku dhaawaccmeen, sidoo kalena uu burburay gabi ahaanba gaarigii ay wateen.

“Saakay markii aan shaqada soo aaday oo gaarigeygii uu i geeyay goobtii shaqada, wuu iga soo laabtay, waxuuna doonaayey sarkaal kale, balse marka uu marayo kasoo hor jeedka wakaaladii biyaha, ayuu haleelay qarax ku soo booday oo wadada dhinaceeda la dhigay” ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaa halkaas ku dhintay Allaha u naxariistee Xamsa Maxamed Axmed oo ahaa askari ka tirsana ilaaladeyda, waxaana ku dhaawacmay seddax askari oo kale, gaarigiin burbur ayaa gaaray, xaalku waa saas aniguna waan caafimaad qabaa