SAWIRRO:-Taliye Odawaa oo maanta kor meeray ciidamdo uu tababar uga socdo dugsiga Harqaboobe

0

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan kormeer ku tagay dugsiga tababarka ciidamada ee Har-qaboobe oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dugsigan waxaa ku jira ciidamo loo tababarayo qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya, kuwaas oo dhowr bilood halkaas uu tababar uga socday, waxaana la sheegay markii la xareynayey ciidamadaas in markii uu tababarku u dhamaado ay toos u xoreyn doonaan deegaanada bartamaha Soomaaliya ay ka maamulaan Al-Shabaab.

Taliyaha qaybta 21-aad Jeneraal Cabdicasiis Qooje, ku xigeenkiisa qaybta iyo Taliyaha Dugsiga Harqaboobe ayaa warbixin ka siiyay Taliyaha ciidanka xoogga dalka halka uu marayo tababarka ciidamadaas, waxayna sheegeen inay haatan ciidankaas kasoo gurbeed marxalado adag oo qeyb ka ah tababarka ay ku jiraan, haatana ay marayaan kolkii la howlgelin lahaa.

Taliyaha militeriga Soomaaliya Jeneraalka Odawaa Yuusuf Raage oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa ciidamada Dugsigaas ku qaadanaya tababarka iyo saraakiishooda  ku amaanay sida ay ugu dhabar adeygeen ka mira dhalinta hamihooda ah sidii ay ugu biiri lahaayeen ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa ciidamadaas u balan qaaday in dhawaan loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto awodooda ciidan, isla markaa ay qeyb uga noqdaan xoreyna dhulka ay heystaan Al-Shabaab, sida uu sheegay.