Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo ka badbaaday qarax lala eegtay gaari uu la socday

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxaas lala eegtay gaari ciidan uu watay Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qaraxa ayaa gaariga lagula eegtay agagaarka Isgoyska Banaadir, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Hal askari ayaa dhintay, halka 3 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ka badbaaday qaraxa Jen. Cali Gaab oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Booliska Soomaaliya.