Madaxda sare ee Koonfurta Suudaan oo uu sooritey cudurka saf mareenka ah ee COVID-19.

0

Madaxweyne xigeenka Koonfurta Suudaan, Riek Machar, oo qayb ka ah guddiga la dagaalanka Coronavirus ayaa laga helay Covid-19.

Mr Machar ayaa tilmaamey in xubna kale oo cusub ay hawshu sii wadi donaan
inta ay karantiilka ku jiraan.

Marwada mr Reik machar ms Angelina Teny, iyo qaar ka mid ah ilaalada madaxweyne ku xigeenka Koofurta Suudaan ayaa sidoo kale laga helay fayraskaan.

Khubarada  dhinaca caafimaadka ah ayaa aad ugu walacsan sida  Koonfurta Suudan ay tacaaleyso  fayraska maadama muddo tobanaan sano ah ay ka jireen dagaalo sokeeye iyo xurnima don ah intuba.

Kiisaska Coronavirus ee Koonfurta Suudaan ayaa gaaray 236 halka ay afar qofna u dhinteen Suudaanta Koonfureed waxaa ay kamid ahayd dalalkii ugu dambeeyey ee laga soo wariyo COVID-19.