AKHRISO:- Axmed Fiqi “Galmudug waa in ciidan yeelataa, ciidanka jooga dowldda federaalka raacsan yihiin”

0

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay Galmudug ay wixii hadda ka dambeeya ay yeelaneyso Boolis u gaar ah, isla markaana ay wadaan sharciga lagu aas aasi lahaa.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ee hada jooga ay raacsan yihiin dowladda Federaalka, isagoo xusay in wixii iskaashi iyo caawimaad noqoto aanan looga maarmi doonin, inta laga dhisayo Booliska Galmudug.

“Booliska Galmudug sharciga lagu aas aasayay waa soo wadnaa isagaa kow ka ah, Galmudug inay Booliskeeda, amnigeeda iyo daraawiishteeda ay yeelato, dowladda federaalka waa soo gurmatay Ciidamada jooga oo dhan dowladda federaalka raacsan yihiin, biyo sacabadaada looga dhargaa inaan Booliskeena iyo ciidankeena aas aasano, ciidanka dowladda federaalka iskaashi iyo caawinaad meelaha aan dabooli weyno maadaama dhaqaale nagu filan ayaamaha hore aanan heysan ayay noqoneysa, laakiin shaqo adag ayaa taalla, la xisaabtan dhab ayaa ogolnahay, baarlamaan waa ka soo shaqeynay”ayuu yiri Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug oo hadalkan ka jeediyay Munaasabad afur ah oo xalay Madaxweynaha Galmudug u sameeyay Xildhibaannada iyo Wasiirada Galmudug.

Mar uu ka hadlayay deegaanada ka maqan gacanta Galmudug ayuu tilmaamay in Galmudug-ta xorta ah dad aan ka yareyn ay ku nool yihiin deegaanada ay Argagixisada heystaan, isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay ka gadoodaan oo aanay Al-Shabaab siinin zakada iyo xoolahooda.

Dowladda Federaalka ayaa sanadkii hore diyaarado ku daabushay boqolaal askari oo la geeyay magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo la wareegay ammaanka guud ee magaalada, xilligii ay socotay qaban qaabada dhismaha Maamulka Galmudug, iyadoo weli ciidankaas ay joogaan Dhuusamareeb.