Weerar xalay ka dhacay Mudug

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa xalay waxaa ay howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Guri ku yaalla Degaanka Wargalo Ee Gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ay galeen Guri ku yaalla deegaanka Wargalo, iyadoona halkaasi uu ka dhacay iska horimaad  kooban oo u dhexeeyay  Ciidamada xoogga  iyo koox hubeysan oo Guriga ku sugnaa.

Inta la ogyahay hal askari ayaa ku dhaawacmay weerarka sida ay sheegeen dadka Deegaanka.

Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay laama ammaanka ee gobolka Mudug.