SAWIRRO:-Mareykanka oo Shacab Waxyeelo u Geystay Deegaanka Kuunyo Barroow

0

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ee wax duqeeya ayaa dad shacab ahaa waxyeelo ugu geystay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa lala beegsaday guri dad shacab ah deganaayeen oo ku yaala deegaanka Kuunyo Barroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sawirro laso bandhigay ayaa muujinaya waxyeelada duqeynta ka dhalatay.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka diyaaradaha Mareykanka ayaa guriga la beegsaday 6-gantaal waxaana ku dhaawacmay Firirka gantaallada ay rideen diyaaradaha Mareykanka 6 qofood,2 dumar ah iyo 4 carruur ah, Hooyo iyo 3 carruur oo ay dhashay.

Dhanka kale Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee (AFRICOM) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan,waxayna sheegeen in lagu dilay xubno shabaab ahaa.