Madaxweynaha Somaliland oo maxaabiix badan cafis u fidiyay

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay 365 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada deegaanada Somaliland, kuwaas oo ku eedeysan dembiyo fudud, sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha.

Wareegtada uu madaxweyne Muuse Biixi cafiska ugu fidiyay maxaabiixtaas ayaa lagu shegay in uusan saamayn doonin xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaas, isla markaana xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud uu fulin doono cafiskan.

Maalinta gooni isutaaga Somaliland oo maanta loo dabaal degay awgeed ayuu cafiskan madaxweyne Muuse Biixi ugu fidiyey maxaabiista, sida ku xusan qoraalka.