Kheyre oo kulan la qaatay guddiga ka hortaga covid 19

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo xalay looga hadlay arrimo dhowr ah, isla markaana lagu falanqeeyay.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirada Caafimaadka, Arrimaha diinta iyo kuwo kale, waxaana sidoo kale shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ka qaybgalay Tala-bixiyaha Covid-19 Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje.

Waxaa diiradda lagu saaray maalmaha ciidda iyo sida dadka ay ugu daamaashi karaan, goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo Tallaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo faafitaanka fayruska.

Xubnaha guddiga ayaa falanqeyn ka sameeyay qorshaha lasoo bandhigay, si bulshada ay ugu dabaaldeggaan maalmaha Ciidul Fidriga oo curadasha bisha shawaal inaga xigto wax ka yar 6-maalmood.