Duqeyn ka dhacday Gedo

0

Diyaarado dagaal ayaa Xalay duqeyn ka geestay degaano hoos yimaada degmooyinka Ceel-waaq iyo Baardheere oo ka tirsan gobalka Gedo waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Milateriga ee ku sugan Gedo ayaa  sheegay in degaanka Cows-qurun oo qiyaastii 70 km koofur kaga beegan Ceel-waaq ay ku geeriyootay Haweeney iyo laba caruur ah oo ay dhashay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid kamid caruurta soo gaaray dhaawac culus balse ay geeriyoodeen Hooyada iyo canugga kale.

Si rasmi ah looma oga cidda ka dambeysa duqeyntaas hase yeeshee waxay Milateriga Soomaaliya ku eedeeyeen ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.