Ciidamadda Danab oo Howlgal Ka Fuliyay Deegaanka Wargalo Ee Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaaanaya Deegaanka Wargalo Ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ciidamada Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay deegaankaas ka fuliyeen howlgal qorshaysnaa.

Ciidamadda Danab ayaa gudaha u galay guri ku yaala Deegaanka Wargalo,waxaana la sheegay in ay halkaas kala baxeyn Nin hubeysnaa oo guriga la weeraray ku sugnaa.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug,waxaa jirey iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Danab iyo ninka hubeysnaa,waxaana ku dhaawacmay 1-askari oo ka tirsan Ciidamadda Danab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidamadda Danab oo looga hadlaayo howlgalka ka dhacay Deegaanka Wargalo Ee Gobolka Mudug, Iyo qabashadda ninka hubeysnaa.