Al-shabaab oo Sheegay in uu Ka Badbaaday Mid Kamid ah Xildhibaanada

0

Al-shabaab ayaa sheegay in uu ka badbaaday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in weerar lagu qaaday xalay guri uu xildhibaanka dagan yahay oo ku yaala degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Inkastoo Shabaab aysan sheegin magaca Xildhibaanka,balse waxa ay xaqiijiyeen in uu ka badbaday weerarka lagu qaaday.

Al-shabaab ayaa kordhiyay Mudooyinkii dambe weerarada ay ku qaadaan Xildhibanadda ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle.