Baaq Loo Diray Shacabka Ku Nool Gobolka Banaadir

0

Afhayeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo la haflatay Warbaahinta ayaa baaq u diray shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Baaqaan ayaa yimid kadib howlgal ciidamada boliiski ay ka sameeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir laguna burburiyay guri lagu samayn jiray maandooriyaba Calaqa loo yaqan.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhibaato uu ku hayo Maandooriyahaan bulshada amni ahaan iyo caafimaad ahaanba waxaana shacabka uu ugu baaqay in ay lasoo wadaagaan goobaha lagu sameeyo si looga hortago.