SAWIRRO:-Gobolka Banaadir Oo Howlo Buufin Ah Ka Sameeyey Suuq Bacaad

0

Waaxda caafimaadka ee dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah ka sameysay Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Gadiidka dowladda hoose ayaa biyo ay ku jiraan daawo loogu talagalay inay disho jeermiska faafin kara cudurka indhahu aanan qabin ee karoona waxaa ay ku buufiyeen suuqa labaad ee Suuq Bacaad, si looga hortago cudurkan ku sii faafaya dalka ee Covid-19.

Guddomiyah gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ugu tegay howlaha buufiska ee ka socday Suuq Bacaad  waxaana uu bogaadiyay howlaha ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee dowladda hoose

“Hadii aan sidaan ku sii wadno waan hubaa inaan ka miro dhalineyo dadaalkeyna ee aan ku xakameyneyno cudurkaan qatarta ah ee Karoona Feyruska waxaana loo baahanyahay in guud ahaan Caasimada la gaarsiiyo howshaan.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Filish waxaa kormeerka ku wehlinayey qaar ka mid ah ku xigeenadiisa iyo agaasimayaal ka tirsan gobolka.