DHEGAYSO:- Jubbaland oo sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Al-Shabaab

0

Maamulka jubbaland ayaa sheegay in iyada oo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ka feejigan yihiin weerarada deegaannada Maamulkaas ay Al-Shabaab ka qorsheeyaan inay ka fuliyaan.

Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland aan lagu arki karin ruux hubeysan oo aan kamid aheyn Ciidamada Jubbaland.