AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay Cudurka Corona Virus

0

Magaalada Shiinaha ku taalla ee Jilin ayaa lagu soo rogtay xayiraad dhanka safarka ah, waxay xireen aagagga la degan yahay waxayna mamnuuceen isu imaatinka kadib markii la xaqiijiyay dhowr kiis oo ah cudurka coronavirus.

Taageerada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hoos u dhacday bishii la soo dhaafay madaama uu ku guuldareystay Xakameynta Covid 19, sida lagu sheegay daraasad ay sameysay Reuters / Ipsos.

Dr Anthony Fauci, oo ah khabiirka ugu sareeya cudurada faafa ee Mareykanka, ayaa ka digay in dalku uusan wali qabin cudurka la xakameeyo isla markaana fududeynta xirnaashaha isla markaaba ay halis ugu jiraan geeri aan loo baahnayn.

In ka badan 4.26 milyan oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ ilaa maanta, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins.

In ka badan 291,000 ayaa u dhintey – 82,000 oo ka mid ah ayaa Mareykanka ah. Ku dhawaad ​​1.5 milyan oo qof ayaa soo kabsaday.

Dowladda Niger waxay dib u fureysaa masaajidda iyo kaniisadaha ku yaalla dalkaas laga bilaabo maanta.

Goobaha cibaadada ayaa albaabada laisugu dhuftay si looga hortaggo fiditaanka cudurka Korona.

Wasiirka maaliyadda ee dalka Australia, Josh Frydenberg, ayaa qufac joogta ah qabtay xilli uu baarlamaanka hortiisa ka jeedinayay khudbad.

Muddo 15 daqiiqa ah ayuu masuulka si joogta ah u qufacayay, taasi oo sababtay in siyaasiyiintii halkaasi ku sugnaa aysan maqal codkiisa.