AKHRISO:-Niger oo dib u fureysa masaajidda iyo kaniisadaha

0

Dowladda Niger waxay dib u fureysaa masaajidda iyo kaniisadaha ku yaalla dalkaas laga bilaabo maanta.

Goobaha cibaadada ayaa albaabada laisugu dhuftay si looga hortaggo fiditaanka cudurka Korona.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in sababta loo furayo masaajidda iyo kaniisadaha ay yihiin in xaaladda ay haatan soo hagaagtay balse dadka ku cibaadeysanayo halkaas waa inay kala fogaadaan, oo ay xirtan afka iyo sanka iyo in nadaafadda ay ku dadalaan.

Waxaana haatan la buufin doonaa masaajidda iyo kaniisadaha ku yaalla Niger ka hor inta aanan dadka loo ogolaan.

Niger waxay haatan xaqiijisay 854 oo kiisaska Korona ah.