Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Muqdisho

0

Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa marxuum lagu dilay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Cali Naaleeye Barkhadle ayaa dableey bastoolado ku hubaysan ku dileen xaafadda Say-biyaano oo ka tirsan degmada Hodon ee Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Laamaha Amniga magaalada Muqdisho oo goobta gaaray ayaan ku guulaysan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka gaystay oo halkaasi ka baxsaday.

Alle ha u naxariistee, marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa ganacsade caana oo baabuurta keena magaalada Muqdisho.