QORMO:- DAWLADNIMADU WAXAY ILAALISAA DIINTA IYO DHAQANKA UMADI LEEDAHAY

0

Ramadaan kariim,Dalkeena soomaaliya waa dal islaam ah suni ah mad hab ahaana ah shaaficiyah. waxay sidan soo ahaa yeen qaniyaal,waxayna soomaalidu la jaan qaadeen soo daahiridii iyo soobixidii nabigeena muxamed salalaahu caleeyhi wasaalam.waa nasiib aad uweyn in illaahay daris dhaw inooga dhigay khayru khalqilaahi siyidinaa wa nabiyunaa wa xabiibunaa muxad caleeyhi salaam.Soomaalidu kuma jiraan dadkii diinta ka horyimid ee seefta loo qaatay,balse waxay diinta u qaateen sida looga qaatay meelo badan oo dunida kamid ah oo ah soo dhaweeyn iyo aqbal toos ah taasna waxaa iskaleh oo kaliya illaahii ina abuuray oo ina siiyay nicmadaa dheeriga ah waana u mahad celinaynaa allaah.

Waligeenba dadkeena soomaaliyeed,waxay lahaayeen oo oognaa dugsiyada quraanka iyo geedka kutubta lagu raacdo iyo cilmiga xaqa ah ama sharciga ee shareecada islaamka.Diintaan kulahayn waligeenba sharaf dalkeenuna waxa uu ahaa dal laga haybaysto oo aan cidina kusoo dagdagin. xiliyo aan sidaa usii fogayn oo gumaystaha saan cadalaaha ah ee afrikada ku soo duulay oo qabsaday ayaa yimid dhulkeena oo qaybsaday 1884 magaalada baarliin.

Laba qaybood oo kamid ahi waxay ka xoreebeen gumaystihii 1960 halgan dheer kadib. curashadii jamhuuriyadii dimuqraadiga ee soomaaliyeed waxay dhalisay in dalka ay ka ilaaliso laba arimood oo nolasha umadi leedahay ka dhigaysa mid had iyo jeer jirta labadaasoo hadii lawaayana ay ka dhalato waxa loo yaqaan DHALAN ROGAN iyo DABAR GO umadeed.hadaba labadaasi waa maxay? waa Diinta iyo Dhaqanka.

Dalkeena laguma faafin jirin diin aan ahayn diinteena islaamka iyo caqiido aan ahayn muslim suni shaaficiyo ah.dadka soomaaliyeed 100% sidaa ayay wada rumaysnaayeen.Waxayna dawladu u samaysay wasaarad dhan oo la oran jiray WASAARADA AWQAAFTA IYO ARIMA DIINTA. waxaana arintaa illaalinaysay dawladii soomaaliyeed ee dhalatay 1960-1991 dii. waxaa sidoo kale dawladu lasocotay oo isha ku haysay dhaqamada shisheeye,iyadoo usamaysay wasaarad dhan oo ilaalisa dhaqanka suuban ee soomaaliyeed waa WASAARADA HIDAHA IYO DHAQANKA ,dawlad kastaana waa leedahay wasaaradaas.

Kolkaa jiilasha danbe ee jiilba jiil badalaayo,ayaa loo ilaaliyay Diintooda islaamka ah ee suniga ah iyo Dhaqankooda wanaagsan ee soomaaliyeed oo ah mid aynu ka dhaxalay awoowyaalkeen oo ah hanti aynu leenahay ka soomaali ahaan. dhaqankeenu waa mid laynagu yaqaan oo dunida oo dhami inagu tix galiso,mana aha mid aynu cid kale uuga dayanay ama amaah ah ee waa mi inoo gaara oo aynu leenahay kuna faano inagoo ah soomaali.

Dawladnimadu maha qabiil iyo kooxo siyaasiyiin ah oo kursi isku haysta,qof ama madaxweyne aadan raali ka ahayn ama aadan la dhacsanayn siyaasadiisa,haduu talada hayo ama sidoo kale xisbi iyo madaxweyne aad la dhacsantahay haduu talada hayo labadaa jeerba,waxaa ka muhiimsan oo kaweyn in aad tahay dawlad. maxaayeelay dawladnimadu waxay illaalinaysaa marwalba diintaada iyo dhaqankaaga kaasoo ay dhaxlayaan caruurtaadu. hadaba marwalba danta dawladnimadu kuu haysaa ayaa waxwalba ka weyn.

Soomaaliya markay lumisay dawladnimadii mudo nusqani ah,waxaa ku dhacay wax kabadalan waxay isku haysteen,qof walbaa khasaaray oo soomaaliyeed,maxaayeelay markii la arkay in dawladnimadii meesha kabaxday,waxaa ka faa iidaystay oo markiiba soo galay labada cadaw ee uugu waa weyn,oo kala ah cadawgii diinteena islaamka ah ee suniga ah ee shaaficiyada ah,iyo cadawgii dhaqankeena suuban ee soomaaliyeed. mahaysano dawlad inoo ilaalisa diintii iyo dhaqankeenii,dadka soomaaliyeed ee ubadan dhalinyarada maanta malaha dhaqan soomaaliyeed mana haystaan diinteenii suniga ahayd ee shaaficiyada ahayd iyo caqiidadeenii jiilba jiil ka soo dhaxlaayay. dad aan dhaqan lahayn diina lahayn waa tirmayaan waana jidka iyo barta dalkeenu hada ku sugan yahay.

2014 ayaa lagu arkay dad soomaaliyeed oo shiica ah caasimadeena MOGDISHO, 2015 ayaa Genaraal xasan maxamed xuseen oo ahaa duqa magaalada MOGDISHO uu dagaal ku qaaday shiicadii MOGDISHO isagoo sheegay in ay jiraan hay ado NGO ah oo caawimaad kusoo dhuumanaaya isla markaana faa finaaya mabaadiida shiicada. shacabka hasoo sheegaan hana lasoo qab qabto ayuu yiri MUUNGAAB. Hawshuna intaa waa ka weyntahay oo ilaa burburkii intii soomaali isku jeeday dhexdeeda ayaa laga faa iidaystay oo dadkii laga dhigay shiico iyo kiristaan oo hada xaalku maha sidii soomaali ahaan jirtay.

Magaalada hargaysa ayaa lagu qabtay nin lagu sheegay bakistaan oo faa finaaya dadbadana kabadalay diintooduu islamka ahayd ee suniga ahayd kaasoo ka dhigay shiico banaanka ka ah diinta islaamka ee ay soomaalidu haysato.Dhibtaas oo dhan waxaa sabab u ah dadka soomaaliyeedna uusan wali dareemin waa dawlad la aanta. sidaa daraadeed dawladnimadu waa waajib in la raacaana waa waajib oo jiritaankeena diineed iyo dhaqan ayaa ku jira. macno malaha kursiga cida iyo xisbiga markaa fadhiyaa maxaayeelay waa meerto koba cidii illaahay u qoray ayaa imanaysa taa kuma mashquulayno,dawladnimadaa ka weyn.

waxyaabaha hada uugu waa weyn ee keenaya had iyo jeer is afgarad waaga iyo amaan xumada ka jirta dalkeena mudadaas dheer waxaa uugu wacan diintii majirto dhaqankiina majiro waayo dawlad malaha ilaalisa.

Waxaa haboon in qofkastaa ka fikiro waa maxay dawladnimo? maka maarmaa dawladnimo? dadka dunidu maxay uwada dooneen uwada rabaan dawladnimada? dalkayga iyo dadkayga cadawga noocyadiisa kala duwan maka difaaci karaa anoon dawlad ahayn oo ah shaqsi ama qabiil,mise dawlad baan u baahnahay?

Hoos kadaawo dhibaatada dawlad la aanta shalay hargaysa sidan kama dhici jirin oo ajinabi cadaw ahi kama dhex samayn karin waayo dawlad baa jirtay. midna waan qirsanahay in uu jiri karo madaxweyne xun xisbi xun maamul xun oo aan ku habooneeyn talada dalka hogaamintiisa,laakiin waa in aadan isku qaldin dawladnimada iyo koox siyaasadeed oo xili jirta. siyaasada haa way kusoo marayaan rag ama dad wanaagsan iyo kuwo dikteeytar ah oo foolxun balse anigu waxaan ka hadlayaa qaayaha guud iyo jiritaankeena umadeed taasoo kaweyn maamul kaa xumaaday. sikale hadaan u dhigo siyaasi nac ama jecloow xorbaatahay mucaarad noqo ama muxaafid noqo balse hala simin dawladnimada waxba sidaa daraadeed xajiso dawladnimadu waa noloshaadii iyo tan caruurtaadee. hadaynaan soomaaliyeey isdaba qaban waa tirmaynaa sababtoo ah waxaa meesha kabaxay dhaqankeenii iyo diinteenii cid si dhab ah u haysata oo danaynaysaana majirto dawlad ina ilaalisana oo dalkoo dhan hanatayna majirto nusqarni,intaana waxaa kugu socda dhaqamo kale iyo diimo kale!!