Jubbaland oo hay’adaha samafalka ka dalbaday in gurmad deg deg ah

0

Wasiirka Arimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa kulan deg deg  waxaa uu magaalada Kismaayo kula   qaatay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya deegaanada maamulkaasi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Maxamed Warsame Darwiish Wasiirka Arimaha gudaha Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uiu hay’adaha samafalka ka dalbaday  in gurmad degdeg ah loo sameeyo dadkii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga iyo daadadka ka dhashay roobka, isla markaana la iska kaashado sidii kaalmo bani’aadanimiyo loo gaarsiin lahaa dadkaas.

Hadalka Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish  ayaa waxaa uu imaanaya xili wabiga Jubba uu fatahaad ka sameeyay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, deegaanada Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa oo ka tirsan Jubbooyinka.