AKHRISO:- Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Gaalkacyo

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kasas oo ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalka oo la sheegay in uu u dhaxeeyey Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Teerage ee kuyaala Galbeedka Gaalkacyo,waxaana wararka horudhaca ah ee la helay ay sheegayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen laba Askari halkabay ku dhaawaceen Saddex kale.

Si dhab ah looma cadeyn waxa Rasmiga ah uu dagaalkaas salka ku haayo,hayeeshee dad ku sugan Gaalkacyo ay sheegeen in la weeraray xero Ciidan oo ku taalla deegaanka Teerage,sidaasina uu dagaalka ku xoogeystay.

Saraakiisha Ammaanka Puntland iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dagaalkaas,waxaana wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo halka lagu dagaalamay.