SAWIRRO:-Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay xubno ka kala socday xaafiiska RW Kheyre iyo guddiga la dagaalanka COVID-19

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb maanta ku qaabilay xubno ka socday xaafiiska Ra’’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga qaran ee la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Xubnaha uu qaabilay Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa isla maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa kulankaas ku wehlinayey ku xigeenkiisa Cali Dahir Ciid, iyo xubno ka tirsan guddiga ka hor tagga iyo la tacaalidda cudurka Coronavirus ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay intiisa badan in diiradda lagu saaray sidii loo xakameyn lahaa xanuunka Coronavirus iyo caqabadaha jira.

Guddiga heer qaran ee la tacaalida iyo ka hor tagga COVID-19 ayaa magaalada Dhuusamareeb u tegay sidii ay qiimeyn lahaayeen tayada la tacaalida cudurka Coronavirus iyo inta ay dhantahay saameynta ilaa hadda uu ku sheegay deegaanka.