Cumar Filish oo soo bandhigay natiijada tiro koob ay ku sameeyeen dadkii ku dhitay Muqdisho

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo ka hadlay saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus uu ku yeeshay Soomaaliya ayaa sheegay in laga soo bilaabo 19-kii bishii Maarso dadkii geeriyooday ay baaritaano ku sameynayeen, kuwaas oo lagu aasay qabuuraha ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in baaritaankaas ay ku ogaadeen in mudadaas qabuuraha Muqdisho lagu aasay dad ku dhow 500 oo qof, kuwaas oo ku geeriyooday Muqdisho kaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada dadkaas ay xalay gudbiyeen, isla markaana ay aaminsan yihiin ka maamul ahaan in badankood dadkasi ay u dhinteen cudurka Coronavirus.

Tiraddii ugu badneyd ee hal maalin ay u diiwaan geliyeen dhimasho ayuu ku sheegay 43 qof, halka tiradii ugu yareyd ee geeri loo diiwaan geliyey ay gaartay sida uu sheegay guddoomiyuhu 22-qof.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talooyina caafimaadka, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, waxuuna hadalka guddoomiyuhu kusoo aaday, xilli wasiirka warfaafinta Maareeye uu maalin ka hor Muqdisho ka sheegay in dowladda Soomaaliya qofkii geeriyooda ay u aqoonsantahay in uu Coronavirus u dhintay.