AKHRISO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Fatahaadii Dhacday Baardheere

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay Fatahaadka uu sameeyey Roobabkii Gu’ga ahaa ee ka da’ay Degmada Baardheere iyo degaanadda Hoosyimada kaasi oona Barakaciyey in ka Badan 500 oo Qoys oo Biyuhu Saameeyeen Waxaana Sido kale Madaxweynaha ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda ay Socoto.

Ilaa iyo hada majirto dhimasho ka dhalatay Fatahaadka Biyaha Degmada Baardheere Walow ay Jiraan Samayn Hanti ay Geysteen Biyaha.