Haweeney Soomaali ah oo Magaalada Nairobi ugu geeriyootay Cudurka Covid-19

0

Xaafadda islii ee Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya waxaa xalay labo kiis oo Covid-19 ah laga helay labo Gabdhood oo Soomaaliya, middood ayaa geeriyootay, halka tan kale Ciidamada Kenya oo kaashanaya Howlwadeenada Caafimaadka ay u qaadeen goobaha loogu talagalay dadka uu haleelo cudurka.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Islii oo ay u badan yihiin waxa ay sheegeen in Labada Haween lagu soo booday isla markaana middood ay u dhimatay kahor inta aan loo qaadin Goobaha Caafimaadka.

Ciidamada Kenya ayaa isku gedaamay Xaafadda dhacdadaan ka dhacday, waxaana Wararka Mustaqbal ay heshay ay sheegayaan in baaris lagu wado shaqsiyaadka la kulmay Gabdhahaan, maadaama cudurka uu yahay mid la isku gudbin karo.

“Mar qura waxa aan maqalnay Gaaadiidka Gurmadka deg dega ah, waxaana qaybta hoose ee xaafadda lasoo dhigay Ciidamo Booliis ah, muddo kooban kadib waxaa Gawaarida Ambalaasta kasoo degay dad guud ahaan jirkoodu daboolan yahay oo haweeneyda dhimatay iyo tan xanuunsan ku kala qaaday labo gaari” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay dadka Islii.