AKHRISO:- C/Kariim Guuleed oo wada-hadal ugu baaqay Madaxda Hir-Shabeelle

0

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay khilaafka Madaxda Hir-Shabeelle ee sababay mooshino iska soo horjeeda.

Qoraal uu soo saaray Cabdi Kariin Guuleed ayaa waxaa uu ugu baaqay Madaxda Hir-Shabeelle in khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex-galay ay wada-hadal ku xaliyaan si looga baaqsado burbur.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Cabdi Kariim Guuleed.

Waxaa muuqda maalmahan mooshino iska soo horjeeda iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Haddaba waxaan ku baaqayaa xaaladda in la dajiyo, waxii khilaaf iyo is afgarasho waa ah ee jirana lagu xaliyo is faham iyo wadahadal.

Waxaana haboon inay madaxda iyo masuuliinta reer Hirshabeelle garwaaqsadaan in khilaafku uu horseedayo burbur ku yimaada hay,adaha dowladnimo iyo jiritaanka maamulka, sidii ku dhacday kal hore maamulkii Galmudug.

Dowladda dhexe waxaan ugu baaqayaa inay faragalinta ka deyso maamulkaas, si uu asagu arimahiisa u xalisto.