AKHRISO:- Mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la qabtay

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Mooshin xilka looga qaadyao Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geeddi.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay 63 Xildhibaan, kuwaasoo ku soo eedeeyay inuu jebiyay qodobo ka mid ah dastuurka iyo kala madaxa banaanida hey’adaha dowladda, iyo inuu ku tuntay sharciyadda Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay dalbadeen in la furo Baarlamaanka, iyadoo uu aqbalay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaannada Mooshinka saxiixay ay taageersan yihiin Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Maamulka Hirshabeelle oo muddo xileedkiisu uu yahay mid gabogabo ah ayaa mar kale lugaha la gashay qalalaase siyaasadeed oo Hoggaanka sare u dhaxeeya, waxaana dad badan filayeen in la guda galo howlihii doorashada maamulkaas, maadaama 6 bilood ay u harsan tahay Xildhibaannada iyo Madaxda maamulka.