Taliska Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay magaca iyo sawirka askarigii dilka ka geystay Muqdisho

0

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka booliska ee ka howlgala saldhigga degmada Boondheere oo xalay laba qof ku dilay isla degmada Boondheere.

Askariga dilka geystay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska ayaa lagu magacaabaa Xasan Aadan Xasan oo 24 jir ah, kana tirsan ciidanka booliska ee saldhigga degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliska ayaa balan qaaday askarigan dilka geystay cadaaladda la horgeyn doono, si loo marsiiyo sharciga, maadaama uu dil bareer ah uu geystay laba qof oo shacab ah.

Abaarihii 7-dii fiidnimo ee xalay oo ku beegneyd xilligii uu bilaabanayey bandowga ay dowladdu ku soo rogtay Muqdisho, ayuu askari ka tirsan saldhiga Booliska ee degmada Boondheere waxaa uu labo qof ku dilay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Askariga ayaa si bareer ah xabad ugu dhuftay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa banaanka hore ee gurigiisa, kadib markii uu ku amray in uu xaroodo, waxayna xabadii gudaha guriga ku dishay haweeney umul aheyd.

Intaas kadib waxaa qarxay dibadbaxyo xoog leh oo ka dhashay dilka dadkaas rayidka ah loogu geeystay gurigooda, waxayna dadku gubayeen taagyaro, sidoo kale meelaha qaar dibadbaxyada ayaa isku bedelay kuwo looga soo hor jeedo bandowga saran magaalada Muqdisho xilliga habeenkii ah.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ahayd iyo Xasan Cali Cadaawe 24 jir ahaa, wiilka ayaa isla goobta ku geeriyooday, halka haweeneyduna ay markii dambe u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray xabadihii uu ku dhuftay askarigan.