Puntland oo sheegtay in la karantiilay dad looga shakiyay Covid 19

0

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa xalay shaaciyay in la karantiilay 7 ruux oo looga shakiyay in ay qabaan cudurka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in bukaannadaas la karantiilay shalay baaritaan laga qaaday islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo sugayo jawaabta natiijada ka soo baxda baaritaanka si loo xaqiijiyo in ay xanuunka qabaan iyo in kale.

Sidoo kale guddiga ayaa qof kasta oo kamid ah  dadweynaha Reer Puntland ugu baaqay in uusan qarsan xanuunka COVID-19 haddii uu isaga shakiyana uu deg deg ula xiriiro hawl-wadeennada caafimaadka si loola tacaalo xaaladdiisa.

Guddigu wuxuu ku baaqay in loo hoggaansamo awaamiirta ka soo baxday Puntland ee la xiriirta ka hortagga iyo xakamaynta COVID-19 si looga badbaado faafidda xanuunkaas.