Kiisas cusub oo caabuqa Karona’ah oo laga helay dalka Shiinaha

0

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in gudaha dalkaasi laga helay kiisas cusub oo ku aadan caabuqa Karona.

Kiisaska cusub ee laga helay dhul waynaha Shiinaha ayaa lasheegayaa in ay gaarayaan illaa iyo 10 kiis.

Gudiga qaran ee caafimaadka ayaa sheegaya in kiisaska cusub ee xanuunka Covid-19 lahelay maalin’nimadii Arbacada.

Kiiaska’kan cusub ayaana ka dhigaya tirada guud ee caabuqa Karona, ee laga helay dalka Shiinaha ay gaarayaan 82,798.

Inkastoo aysan jirin kiisas cusub oo dhimasho ah haddana tirada guud ee xanuunkan ayaa gaartay 4,632 ruux