AKHRISO:- Beesha Caalamka “Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran Soomaaliya”

0

Maanta Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale waxay daaha ka rogeen Qorshaha UDiyaar Garowga iyo Ka falcelinta Covid-19 ee Soomaaliya si loola tacaalo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay xanuunka Koroona Fayras.

Qorshahan oo loogu talo galay in lugu howl galo lix ilaa sagaal bilood, wuxuu u fududeynayaa hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarintaba iney dib u eegaan mashaariicdooda lana jaanqaadaan xaaladaha is bedbedalaaya iyo weliba
iney sara u qaadaan howlaha ay hayaan si loo yareeyo saameynta xanuunka COVID-19.

Ujeeddadu waa iney is dhameystiraan gargaarnka samalka ah, mashaariicda horumarinta iyo dhismaha nabadda. Qorshahan fulintiisa wuxuu dhameystirayaa qorshayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed uga jawaabeyso faafitaanka xanuunka Koroona Fayras

“Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran ,Ahmiyadda koowaad waxay
tahay in laga taxaddiro in xanuunku uu u faafo si xad dhaaf ah ayadoo loo marayo in qatarta cudurkani leeyahay dadka loo sheego, dadkana laga baaro xanuunka iyo weliba in dabaggal lagu sameeyo dadka la macaamilay qof xanuunkan lugu arkay.”” ayuu yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka WakiilkaXoghayaha Guud ahna Iskudubbaridaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan si dhow ula sahqeyneynaa Dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saaxiibbada kalaba si mashaakilkan aan horay loo arkin loola tacaalo Waxaan ugu yeerayaa deeq bixiyaasha iney taageeraan qorshahan soona dedejiyaan kaalmadooda si hay’adaha samafalka ay ugu suurtagasho iney sara u qaadaan gurmadka ku aaddan xanuunka COVID-19.”