Xaalada gobolka Sanaag oo saaka degan

0

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xaalad deganaansho ah oo saakay laga dareemooyo deegaanka Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag halkaasi uu shalay ka dhacay dagaal ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa ku geeriyooday laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ah labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Cabsi xoogan ayaa laga dareemayaa deegaanka uu dagaalka ka dhacay, iyadoona halkaasi ay isku horfadhiyaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Gobolka sanaag ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed