Akhriso:-Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo shaaciyay dib u dhigida Furitaankii Kalfadhigii 7aad

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay furitaankii kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada Gole oo lagu waday inuu furmo 20-ka bishan April.

Qoraal ay wadajir u soo saareen ayaa waxay ku shaaciyeen in si loo ilaaliyo badqabka Xildhibaanada, senatarada, Guddoonka Labada Gole iyo Shaqaalaha Baarlamaanka ay go’aamiyeen in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7aad, waxaana ay tilmaameen in markii ay xaalada ku haboonaato in kalfadhiga la furi doono.

Guddoomiyaasha labada Aqal ayaa ku sugan dalka Turkiga oo ay ku xayirmeen, markii dalalka Adduunka oo dhan ay qaateen go’aan lagun la joojinayo duulimaadyada, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Baarlamaanka Labada Gole ayaa muddo xileedkiisa yahay gabgabo ku dhow, waxaana u dhiman muddo 6 bilood, iyadoo shaki badan gelineysa dib u dhacan sharciyadii laga sugayay in Baarlamaanka meel mariyo inay daahaan.