Wasaaradda Diinta & Awqaafta oo fulisay Wacyigelin kusaabsan Coronavirus

0

Wasaaradda arimaha Diinta & Awqaafta Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa wada olole  Wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortaga Xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus .

Wasaarada oo kaa shanaysa Xafiiska Wasiirka 1 aad ee Xukumada waxa ay samaysay wacya galin saddex maalin ah,waxa ayna fariimaheeda ku gudbisay Warbaahinta guddaha si fariimaha Wacyigalinta ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha ay wasaaradu Wacyigelintu xoogga saartay waxaa kamid ah Faraxal joogta ah, Kala fogaanshaha Bulshada, Joojinta Safarada, kulamada dadwaynaha iyo joojinta Salaanta gacan-qaadka ah ee bulshada Soomaaliyeed caanka ku yihiin.

Wasaaradda ayaa sidaan oo kale horay u soo saartay fariimo bulshada Soomaaliyeed looga digaayo in ay isku gudbiyaan cududurka aduunka dhibaatada ku haaya ee Coronavirus.

Wasaaradda arimaha Diinta & Awqaafta Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa sidaan kale kulamo kala duwan laqaadatay culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadashay arimaha Masaajida iyo dugsida quraanka kariimka lagu barto si looga fogaado faafitaanka Xanuunka.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa shaakisay kiis cusub ee Coronavirus, Saddexdii maalin ee la soo dhaafay waxaana guddaha dalka ku sii faafaya xanuunka sida ay sheeciyeen guddiga ka hortaga Covid-19 u qaabisan Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowziyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in cudur uu ku sii faafayo guddaha dalka isla markaana Xukumadu dadaal ugu jirto ka hortaga Xanuunka.

Tirada guud ee dadka laga helay corona ayaa hada ah 135 kiis ,halka dhimashadu marayso 7 ruux sida ay xaqiijisay wasaaradu.