Wararkii ugu dambeeyay Cudurka Coronavirus ee Caalamka

0

Tirada dadka ee ugu dhimatay caalamka cudurka Coronavirus ayaa tiradoodu waxa ay gaartay 156,000 iyadoo 31,000 ay ugu dhinteen cudurkan gudaha dalka Maraykanka.

Dalka Turkiga ayaa dadka uu cudurkan soo ritey ay gaartay 82,329,000 oo ruux iyadoo uu Turkigu uu noqday dalka ugu badan ee cudurkan uu saameynta ku yeeshay wadamada Bariga Dhexe.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada ee cudurkan ay gaartay 1,890 ruux iyadoo tirade ugu dambeysay ee u geeriyootay cudurkan ay gaarayso 121 ruux.

Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in 540 ruux ay 24kii saacadood ee ugu dambeysay ay u geeriyoodeen Coronavirus iyadoo tiradaasna ay tahay tii ugu hooseysay inkabadan labo toddobaad.

Dalka Ruushka ayaa tirada uu cudurka uu soo ritey waxa ay gaartay 36,793 ruux balse dadka uu cudurkan waxaa u geeriyootay 313 ruux.

Wadanka Kenya ayaa tirada cudurkan uu soo ritey ay gaartay 262 ruux halka tirada dhimashada ay gaareyso 12 ruux.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka digtey in cudurkan Coronavirus uu dad badan ku dilo qaarada Afrika.

Dad gaaraya saddex boqol oo kun oo ruux ayaa laga yaabaa inuu ku dilo cudurkan qaarada Afrika halka 30 malyan oo kale ay ku hanti beeli doonaan.