Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Sanaag

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaal Khasaaro geystay oo saakay deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi inuu ka xun yahay dagaalkii saakay ka soo cusboonaaday deegaanka lagu magacaabo Fadhigaab ee Sanaag, kaasi oo dhexmaray laba Maleeshiyo, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in xiligan adeg la dagaalamo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu beelaha dagaalamay ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan Colaada, isla markaana Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka ka dalbaday inay ka qeyb qaatan joojinta dagaalka.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayuu tilmaamay in Somaliland ay muddo dheer dadaal ku bixisay sidii loo soo afjari lahaa dagaal beeleedyo kal horey ka dhacay Degmada Ceel-afweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag, iyadoo ugu dambeyn xiligaas xal laga gaaray Colaada, haatana aysan aheyn in markale dagaal dhaco.

Dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Fadhigaab ee Sanaag ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana dagaalkaas uu salka ku hayaa Arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil iyo dhul-daaqsimeedyo ku yaalla halkaas