Madaxii Zakawaadka Al-Shabaab iyo maleeshiyo la socotay oo lagu qabtay Sh/Hoose

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, una qaabilsnaaa Zakada iyo maleeshiyo la socotay, kaddib howlgal laga sameeyay Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka Jen. C/xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu ahaa Madaxii Zakawaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose, inkastoo aanu sheegin magaciisa.

“Waxaa gacanta lagu dhigay Madaxii zakawaadka oo ah ninkii Baadda ka qaadi jiray Shabeellaha Hoose iyo maleeshiyo la socotay”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka dhulka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa intaa ku daray in Sarkaalkaas lala qabtay 7 maleeshiyo la socotay, waxaa uu kaloo intaa raaciyay in maalmihii la soo dhaafay ay isku dhiibeen Ciidamada dhalinyaro ka soo baxday Al-Shabaab, kaddib howlgalkii ay ku qabteen deegaanka Janaale.