DHAGEYSO:-Madaxii sakawaadka Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Sh/Hoose

0

Saraakiisha xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal sare oo ka tirsana dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkaas lala qabtay illaa toddoba dagaalame oo uu watay.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalka la qabtay uu ahaa madaxii Sakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay  in ay isisoo dhibeen maalmihii lasoo dhaafay dhalinyaro badan oo ka barbar dagaalami jiray ururka Al-Shabaab.

Ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeellada Hoose, waxaana maalin ka hor Janaale lagu soo ban dhigay dhalinyaro kasoo baxday Al-Shabaab 0o isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya.