Donald Trump oo sheegay in ay Baarayaan Cidda ka danbaysay faafidda Cudurka Crona

0

-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay i nay qayb ka noqonayaan baaritaan lagu sameeyo cidda ka danbaysay in cudurka Crona Virus uu Dunida ku faafo isla markaana uu laayo dad fara badan caalamka oo dhan.

Trump wuxuu sheegay in haddii Dawladda Shiinaha lagu caddeeyo inay ka danbaysay faafitaanka cudurka Crona ay tahay in tallaabo adag iyo ciqaab culus laga qaado arrintaas oo noqon doonta mid hor taalla caalamka oo dhan.

Trump ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan tallaabooyinka uu Mareykanku qaadi karo haddii sida uu sheegay la caddeeyo in cudurka Corona la helo cidda dunida ku faafisay kana shaqaysay inuu wada gaaro Caalamka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Toddobaadkan gudahiisa uu Madaxweyne Trump joojiyay kaalmadii uu siin jiray Ururka Caafimaadka Adduunka, isagoo ku eedeeyey in WHO ay u janjeersatay dhinaca Shiinaha.