DHAGEYSO:- Duqa Muqdisho”Dadkii aasi lahaa shaqsiyaadka u dhinta Covid-19 ayaan diyaarinayay”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa sheegay in ay diyaariyeen shaqsiyaad ay u tababareen sida loo aaso dadka u dhintay cudurka Coronavirus.

Sababta waxa uu ku sifeeyay, maadaama xitaa qofka dhintay laga qaadi karo fayruska waxa uu sheegay in xubno ay qayb ka yihiin culimo ay siiyeen tababar ay ku aasayaan meydka iyaga oo ka fogaanaya in ay qaadaan xanuunka.

Waxa uu dadka uga digay in ay taabtaan dadka u dhintay Coronavirus ama ay u dhawaadaan bukaanada xanuunka qaaday, sabab la xiriirta in aysan qaadin dad horleh oo bulshada kusii dhex faafiya sida uu hadalka u dhigay.

Ku tukashada Salaadda Janaasada waxa uu sheegay in ay joogaan Culimo aqoon u leh arrintaan, waxaana uu tilmaamay in qofka u dhinta cudurka loo tukado salaadda meydka goobta ka maqan oo ah mid duruuf keyntay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed waxa uu shacabka ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka iyo wacyigelinta Caafimaad ee la siinayo.

Cudurka Coronavirus ayaa Soomaaliya kusii kordhay kiisaska dadka laga helay, waxaana guud ahaan u dhimatay 7-ruux, halka uu haleelay 135-kale sida ay xaqiijisay Wasiirka Caafimaadka XFS Fawsiya Abiikar Nuur.