SAWIRRO:-Dawlada Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay dooni siday qaad sharci darro ah

0

Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybta 27aad ayaa maanta dekadda Ceel Macaan  ee gobolka Shabelleeda Dhaxe ku ku qabtay doon sida qaad la sheegay in laga keenay dalak Itoobiya.

Doonta siday qaadka ayaa la sheegay in ay soomartay xeebta Cadale, waxaana la sheegay in markii ay ku guul dareysatay in cadale ay ku dajiso qaadkii ay waday, ay soo aaday dhanka xeebta Ceel Macaan.

Taliyaha Qeybta 27aad ee ciidamada xooga dalka Jeneraal Axmed  Maxamed Maxamuud ayaa sheegay, in qaadka la doonayo in qaab sharci darro ah algu soo geliyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha ayaa waxa uu shegay in qaadkan, ay maanta qabteen ay ku wareejiyeen Ciidamada booliska Soomaaliya, taas oo ay ku amreen madaxda dawlada sida uu sheegay taliyuhu.

Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha Cabdullaahi Xasan Bariise oo goobta ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in uu digniin u dirayo ganasatada Soomaaliyeed, taas oo ah in aysan hantidooda iska gelin qaadka, isla markaasina waxa uu sheegay in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay mar walba la dagaalami doonaan cid kasta oo damacda in ay dalka qaad soo geliyaan