Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Bay

0

Saraakiisha ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Saraakiisha ayaa warbaahinta u sheegay in deegaanada kala ah Gurbaan, Bandhuub iyo Biilane ay ciidamadu kula wareegeen gowlgallo qorsheysan, halkaas oo horay ay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Cabdi Salaan Siidow ayaa isna sheegay in xilliyada ay marka ay dhalato bisha barakeysan ee Ramadaan ay Al-Shabaab culeys soo saaraan dhulka aysan maamulin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalladan looga hor tegayo qorshahooda, isaga oo tilomaamay in ay ka saari doonaan deegaanada ay ka maamulaan gobolka Bay, sida uu sheegay.