Cabsi ka dhalatay fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle oo ka taagan Jowhar

0

Degmada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka taagan cabsi ka dhalatay fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle oo buux-dhaafiyay, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay Gobolkaas.

Dadka waxa ay muujinayaan cabsida Wabiga oo kolka uu sidaan u buuxsamo karkaarada jabsada, waxaana ay bilaabeen dadaalo ay kaga hortagayaan, iyaga oo adeegsanaya Jawaano ciid laga buuxiyay waxa ay dhigeen meelaha ay u arkaan biyaha ay ka gudbi karaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaarim Daqarre oo kamid ahaa xubno tagay Xaafadda Horseed ee Degmada Jowhar waxa uu wax ka dhigay Jawaanada ciidda oo dadka deegaanka uga hortagayaan fatahaadda.

“Laga soo bilaabo Deefoow Gobolka Hiiraan illaa Degmada Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah waxaa ku dhex jira goobo laga cabsi qabo in uu karkaarada ka jabsado Wabiga Shabeelle waana 59-meel, mana jiraan Hay’ado u diyaarsan in ay wax ka qabtaan oo si deg deg ah uga jawaaba cabsida dadka deegaanka” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Warabaabka Hir-Shabeelle.

Waa dadaal iyo taxadar jawaanada ay dhigayaan dadka deegaanka, inta badan kuma joogsadaan biyaha Wabiga ee Sabbeenaya oo mararka qaar buux dhaafiyo halka xiliyada kale uu guro ama uu qalalo Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale ma lahan biyo Xireen lagu maareeyo wabiga, maadaama marka uu u buuxsamo sidaan oo kale biyo keyd ah laga dhigi jiray si dib loogu isticmaalo marka uu qalalo ama uu biyo yareeyo.