Xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan Jamhuuriya oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Aadan ayaa ahaa Xoghayihii guddiga maaliyadda ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tacsiyadeeyay geeriya marxuumka ayaa yiri,”Waxaan tacsida la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay  Xildhibaan Aadan Jamhuuriya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo”.

Sidoo kale wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aadan, waxuuna yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Eheladii iyo Qoyska uu ka geeriyooday wallaalkeen Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya).Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo”.