Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Ee Muqdisho Oo Korodhay

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa qodobadan:

24kii saac ee u dambaysay ayaa waxaa Cudurka la baaray 47 qof, waxaana laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof.

Bukaanada cudurka laga helay ayaa 27 kamid waxaa ay yihiin rag, halka 9-ka kalena ay yihiin Dumar, 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%), 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%), 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.

Sidoo kale waxaa Cudurka Coronavirus u geeriyooday 1 qof oo da’diisu ay tahay 60 sano, kaasi oo ku dhintay Magaalada Muqdisho maalintii shalay aheyd, waxaana Tirada guud ee dhimashada noqotay 6 ruux.

“Si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah, Aan ku dadaalno kala fogaashaha iskana yarayno isu-socodka aan muhiimka ahayn” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya.