Suuqa Ganacsiga Xaafada Islii oo loo xiray Cabsi laga qabo Xanuunka Coronavirus

0

Suuqa Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la xiray, kaddib markii ganacsatada ay u hoggaansami waayeen awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka ee la xiriiray ka hortagga cudurka Coronavirus.

Guddiga Ganacstada Islii ayaa sheegay in wadatashi kaddib go’aan ku gaareen in la xiro suuqa, si loo xakameeyo faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Arrinta ugu weyn ayaa ah ee Suuqa loo xiray ayaa ah in laga qabo cabsi ah inuu faafo cudurka, maadaama ganacsada aanay qaadan shuruudo iyo nidaam wasaaraddu soo rogtay ee ahaa in dadka kala fogaadaan, lana isticmaalo daawooyinka jeermiska dila afka la xirto, gacmahana la geliyo gloves, si looga hortago cudurka inuu faafo.

Sidoo kale waxaa jirtay cabsi kale oo laga qabay in Islii ay noqoto goob uu si weyn uga faafo cudurkan, maadaama ay ka jirto ciriiri badan, taasna ay suura gal tahay in dadka si fudud u kala qaadaan cudurka Coronavirus.

Inkastoo la xiray suuqayada waaweyn ee xaafadda haddana gudiga ayaa sheegay in talaabadan aaney saameyn doonin dukaamada lagu iibiyo cuntooyinka iyo dawooyinka oo ka mid ah adeegyada aaney bulshadu ka maarmin.