Puntland oo amartay in tallaabo ciidan lagu dhaqan geliyo amar ay horay u soo saartay

0

Amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa laamaha ammaanka lagu faray  inay awood ku dhaqan geliyaan go’aankii horay looga soo saaray salaadaha jameecada ee masaajidda deeganada Puntland, oo aan weli dhaqan gelin.

Puntland ayaa horay u amartay in la joojiyo salaadaha Jimcaha iyo Jameecaadka masaajidda ee laga oogo deegaanada maamulkaas, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay guddi hoosaadka amniga maamulka Puntland ayaa lagu amray dhammaan hey’adaha amniga Puntland, in ay dhaqan geliyaan amarkii lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka ee horay loogu soo rogay deegaanada Puntland, si looga feejignaado faafidda cudurka COVID-19.

Guddiga ayaa laamaha ammaanka Puntland faray in ay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weysa dhaqan gelinta go’aankaaas. Waxaana go’aankaan lagu macneeyay mid lagu dhowrayo badqabka dadka iskugu imaanaya masaajidda iyo guud ahaan goobaha cibaadada.

Salaadii Jimcaha ee shalay ayaa si caadi ah looga dukaday deegaanada maamulka Puntland, waxaana dhaqan geli waayey go’aankii uu maamulku kasoo saaray.

Hase yeeshee guddi hoosaadka amniga Puntland oo xalay ka shiray sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aankaas ayaa laamaha amaanka faray in si awood ah ay ku fuliyaan go’aanka maamulka ee lagu joojinayo salaadaha Jimcaha iyo guud ahaanba jameecada, iyadoo dadka lagu wargeliyay in ay guryahooda ku dukadaan, kuna dhaqmaan talooyinka caafimaad ee loo soo jeedinayo.