Militeriga Soomaaliya oo ku baxay xiisad ka soo cusboonaatay Balambal

0

Ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa howlgallo dad badan lagu soo qab-qabtay waxaa ay ka sameeyeen gudaha iyo duleedka degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Guutada 15aad ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa fulisay howlgalkaas, waxaana lagu soo qabtay dad lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen falal lagu duugay Baraago iyo sidoo kale guryo la dumiyay.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidankaas ayaa sheegay in dhamaan ay gacanta ku soo dhigeen dadkii ku eedeysnaa falalkaas. Waxaana weli duleedka Balambal ka socda howlgallo ay ka wadaan militeriga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha hogaaminaysa ciidamada dowladda ee gaaray halkaas ayaa dadka ku nool Balambal iyo deegaanada hoos taga waxay uga digeen in ay ku lugyeeshaan falal lidi ku ah ammaanka, waxayna dadka reer miyiga ah ugu baaqeen in ay nabad ku wada noolaadaan, iyaya oo ku wargeliyay in sharciga la waafaji doono cidii carqaladeysa nabadda.

Maalmihii lasoo dhaafay Balambal iyo deegaanada hoos taga waxaa kasoo yeerayay cabsho ay muujinayaan dadka ku nool halkaas, waxayna dadkaas ka cabsi qabaan in ay soo cusboonaato colaad kol hore xal laga gaaray, kadib markii meelaha qaar la duugay dhowr baraagood, waxaana ku baxay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka qeybtooda 21-aad.