Mareykanka oo malaayiin Dollar ugu deeqay Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa go,aamisay lacag gaaraya 12.5$ milion in ay ugu deeqdo Soomaaliya si ay ugu xoojiso ka jawaabidda cudurka dilaaga ah ee corona virus.

Qoraal gaaban oo lagu daabacay twitterka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lacagta gaaraya 12.5 milion ay soomaaliya ku xoojiso dedaalka ay ugu jirto ka hortagga caabuqa covid-19 kaasi oo soomaaliya illaa iyo 80 kiis laga sheegay.

5 kamid ah 80ka kiis ayaa ugu geeriyooday muqdisho caabuqa covid-19 halka laba kamid ah 80kane ay soo bogsoodeen oo guryahoodii dib ugu laabteen sid ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn ugarab istaagga Soomaaliya marka la taaganyahay xaaladda bini,aadinnimo iyo la dagaalanka kooxaha loogu yeeray xagjirka.

Horay ayaa xukuumadda Soomaaliya u sheegtay in dowladaha caalamka ay ka dalbanayaan in laga taageero ka hortagga ay ugu jiraan caabuqa coronavirus.